Dugsiga hoose dhexe ka dib

Marka ay dhallinyaradu dhameeyaan dugsiyada hoose dhexe, waxay yeeli karaan in
- dhibcihii dugsiga hoose dhexe ay kor ugu soo qaadaan fasalka tobnaad
- ay galaan waxbarashada aasaasiga ee u diyaarinta waxbarashada xirfadaha oo sanad soconaya (VALMA)
- ka sii wataan waxbarashada machadyada xirfadaha
- ka sii wataan waxbarashada dugsiyada sare
- ay hal mar isla diyaariyaan dugsi sare, shahaadadda dugsiga sare iyo shahaadada dugsiga dhexes (sida. laba shahaado)
Wixii warbixin dheeraad ah ku saabsan goobaha waxbarashada ee dugsiyada hoose dhexe ka dib halkan ayaad ka heleysaa.
Sida. fasalka tobnaad
Waxbarashada dugsiga hoose dhexe ka dib dhallinyaradu waxay dalban karaan hal sanad dugsiyeed waxbarasho qaadaneysa oo ah waxbarasho dheeraad ah, sida fasalka tobnaad. Fasalka tobnaad waxaad ku baran kartaa sida duruus la mid ah kuwii dugsiga hoose dhexe (wadar ah iyo duruus doorasho ahba), u diyaarinta xirfadaha iyo barashada shaqo nololeedka. Fasalka tobnaad waxaad sidoo kale kor ugu soo qaadi kartaa duruustii aad horey ugu soo qaadatey dugsiga hoose dhexe dhibcahoodii.
Wixii warbixin dheeraa ah ee fasalka tobnaad ku saabsan halkan ayaad ka heleysaa.