Waxbarashada aasaasiga ah ee carruurta iyo dhallinyarada

Dhammaan dadka sida rasmiga ah u degan Finland carruur/dhallinyarba waxbarashadu waa ku waajib, waxay xuquuq u leeyihiin waajibna ku ah in ay helaan waxbarashada aasaasiga ah. Waajibaadka waxbarashada waxaa lagu amrey sharciga. Waxbarashada waajibka ahi waxay bilaabantaa isla sanadkaa, marka uu ilmahaagu buuxiyo 7(6) sano. U carbinta waxbarashadu 6- jir ayey ugu bilaabantaa ilmaha waxayna qeyb ka tahay waxbarashada waajibka ah. U carbinta waxbarashada waxaa lagu gudbiyaa xanaano maalmeedyada ama goobaha iskuuladda hoose.
. Waajibnimada waxbarashadu waxay dhamaaneysaa, marka uu ilmuhu dhameeyo waxbarashadii loogu talogaley dugsiga hoose dhexe ama ugu dambeyn marka xilligii waajibnimada waxbarasha uu bilaabey ay ka soo wareegto 10 sano.
Finland carruurta/dhallinyaradu waxay ku diyaariyaan waajibnimada waxbarasha sida qaalibka ah dugsiga hoose dhexe. Dugsiga hoose dhexe wuxuu ka kooban yahay dugsiga hoose iyo ka dhexe. Dugsiga hoose waa fasalada 1 – 6 aaddugsiga dhexena waa fasalada 7 – 9. Dugsiga hoose dhexe wuxuu socdaa caadi ahaan 9 sano: Iskuulku wuxuu ka bilaabmaa fasalka 1:aad wuxuuna ku dhamaadaa fasalka 9:aad.
Dugsiyada hoose dhexe carruurta/dhallinyaradu waxaa lagu baraa aqoonta iyo xirfadaha, kuwaas oo ah kuwa uu ilmuhu markuu weynaado u baahan doono bulshada dhexdeeda. Iskuulka carruurta/ dhallinyarada dadnimadooda ayaa ku kobocda waxayna ku noqdaan xubin bulshada ka tirsa.
Wixii warbixin dheeraad ah ee la xidhiidha iskuul maalmeedka iyo waxbarashada aasaasiga ah halkan ayaad ka heleysaa.
Dugsiga hoose dhexe waa bilaash. Dugsiga hoose dhexe ka dib dhallinyaradu waxay fursad u leeyihiin in ay waxbarashada ka sii wataan tusaale machadyada ama dugsiyada sare. Sidoo kale iskuuladda xirfadaha iyo dugsiyada sare waxabarashadooduna waa bilaash, laakiin agabka waxbarashada loogu baahan yahay iyo buugaagta waa inaad adigu iska bixisid.
Marka carruurta/dhallinyaradu ka soo guuraan dalka dibadiisa una soo guuraan Finland, waxay iskuulka ka bilaabi iskuulka karaan carruurta dalka u soo guurey/dhallinyarada fasaladooda u diyaarinta waxbarashada.
Xigasho: InfoFinland
Wixii warbixin dheeraad ah ee dugsiyada hoose dhexe waxaad weydiin kartaa
- Warbixinta-dadka dalka u soo guurey
- Xeryaha qaxootiga
- Ilbaxnimada iyo daryeelka badqabka adeegooda hagitaanka
U diyaarinta waxbarashada ee carruurta iyo dhallinyarada
Inta aynan carruurta/dhallinyaradu bilaabin waxbarashada dhabta ah, waa inuu yaqaanaa luqad finnish ah oo ku filan.
U diyaarinta waxbarashada waxaa looga jeedaa da’ada waajibnimada waxbarashada iyo- dhallinyarada. Da’ada waajibnimada waxbarashadu waxay dhamaataa sanad dugsiyaadka, kan uu ilmuhu/dhallinyartu buuxinayo 17 ka sano. Carruurta/dhallinyaradu waxay ku bartaan xilligaa u diyaarinta waxbarashada xirfada aasaasiga ah ee luqada finnishka. Waxbarashadaasi waxay qaadataa 1-2 sano ama in ka yar, sida qaalibka ah waa sanad.
Intaas ka dib carruurta/dhallinyaradu waxay u gudbaan fasalka caadiga ah iskuulka, kan xaafadooda ku yaal ee gurigooda u dhow. Carruurta/dhallinyaradu waxay ka bilaabaan iskuulka fasalka-heerkooda ah, kaas oo ah kan u dhigma aqoontooda.
Dugsiyada hoose dhexe ee Hämeenlinna
Hämeenlinna waxaa ku yaala 22 dugsi hoose dhexe. Waxaad ka dalban kartaa iskuul walba warbixintiisa u goonida ah bogiisa shabakadda.
Iskuulada Hämeenlinna waxay isticmaalaan Wilmada oo ah xidhiidhiyaha u dhexeeya gurigga iyo iskuulka. Wxixii warbixin dheeraad ah ee Wilmada ku saabsan halkan ayaad ka heleysaa.